![]() |
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| BOGGA HORE | FAALLOOYINKA | WAREYSIYADA | WARARKII HORE| SUUGAAN | DIINTA | CONTACT US | |||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
RADIO LINKS LINKS Balanballe |
Wefti uu hoggaaminayo Barre Hiiraale oo ku sugan Garbahaarrey Garbahaarrey 21 June 06 (RadioGedo) Wasiirka dib u dhiska iyo dib u dejinta dowladda federaalka ku meel gaarka ah xildhibaan Barre Aadan Shire iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa waxa ay maanta gaareen magaalada Garbahaarrey ee gobolka Gedo. Waxa uu ka soo kicitimay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo oo uu ka socday kulan lagu heshiisiinayay beelaha Sade iyo Garre oo ay xurguf siyaasadeed ka dhexeysay kuna muransanaa awoodda maamulka. Waxa uu wasiirku soo maray wasiirku tuulada Ceelcadde oo uu xalayna baryay, halkaas oo saakay loogu sameeyay quraac, waxana uu ka jeediyay khudbad, isaga oo u ballan qaaday dadka reer Ceelcadde in maamulka isbahaysiga dooxada Jubba uu tuulada Ceelcadde u dhisi doono isbitaal. Maantana waxa uu wasiirka iyo weftigiisaba kulamo la leeyihiin siyaasiyiin iyo wax garad ku sugan degmada Garbahaarrey ee xarunta gobolka Gedo. Caawa ayaa sida uu weriyaheenna magaalada garbahaarrey ku soo warramayo waxa uu wasiirku kulammo xasaasi ah la leeyahay guddoomiyaha gobolka Gedo Mudane Xuseen Sheekh Cabdi Ismaaciil (Xuseen Farey) iyo ku xigeennadiisa Guud ahaanna arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay ciidammo Itoobiyaan ah oo tiradoodu kor u dhaafeyso 100 askari ay ku sugan yihiin degmada Luuq Ganaane ee gobolka Gedo oo 65km waqooyi bari ka xigta magaalada Garbahaarrey. RadioGedo |
Barnaamijkii Daltabyo Riix Halkaan
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
Copyright Radiogedo.com
All Rights Reserved,2004
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||