![]() |
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| BOGGA HORE | FAALLOOYINKA | WAREYSIYADA | WARARKII HORE| SUUGAAN | DIINTA | CONTACT US | |||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
LINKS Balanballe |
Isku dhac dad ku dhinteen oo ka dhacay Kismaayo Kismaayo 25 June 06 (Luuq.com) 2 qof ayaa ku dhimatay 2 kalena inta la og yahay waa ay ku dhaawacantay iska hor imaad maanta ku dhex maray laba maleeshiyo beeleed gudaha magaalada Kismaayo. Iska hor imaadkan oo ka dhacay xaafadda Dallacaadda ee magaalada Kismaayo ayaa timid ka dib markii laba qof ay ku murmeen goob ganacsi oo ku taallay aaggaas, ka dibna ay sababtay in ay gacan ka hadal billaabaan. Waxaa arrintaas xigtay inay isu soo col dhurteen oo midba maleeshiya haybtiisa ah uu soo kaxaystay dabadeedna halkaas uu ka dhacay is rasaaseyn socotay qaddat saacado ah. Dadka dhintay ayaa waxa ay ka wada tirsan yihiin hal dhinac oo labada dhinac ee is rasaaseysay ah, waxana dhaawaca la keenay isbitaalka magaalada Kismaayo. Ciidammada ammaanka ee isbahaysiga dooxada Jubba ayaa saacadihii dambe dhex galay oo xabbaddii qaboojiyay, in kasta oo maleeshiyaadka isku dhacayba ay ka tirsanaayeen isbahaysiga, haddana waxaa muuqata in ay xakameeyeen isku dhicii maanta. Dadka degaanka xaafadda Dallacaadda ee dhibku ka dhacay ayaa waxa ay muujiyeen argagax iyo anfariir la xiriira xaaladdii maanta, waxana saacadihii xabbaduhu socdeen irdaha loo wada laabay socodkii ganacsiga in kasta oo iminka dib loo furfuray. RadioGedo |
Barnaamijkii Daltabyo Riix Halkaan
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
Copyright Radiogedo.com
All Rights Reserved,2004
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||