![]() |
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| BOGGA HORE | FAALLOOYINKA | WAREYSIYADA | WARARKII HORE| SUUGAAN | DIINTA | CONTACT US | |||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
LINKS Balanballe |
Sidee looga dareemayaa 26ka June gobollada koonfureed Kismaayo 26 June 06 (RadioGedo) Maanta oo ay ku beegan tahay 26kii June oo ahayd maalintii ugu horreysay ee geyi Soomaaliyeed laga taago calan Soomaaliyeed 46 sano ka hor ayaa waxaan si weyn looga xusin gobollada Koonfureed. Gobollada Waqooyi oo iyagu ka xoroobay gumeysigii Ingiriiska 26kii June 1960 ayaa waxa aanay maanta si weyn ugu dabbaal degeynin si weyn oo u dhiganta sidii looga bartay in looga dabbaal dego. Magaalada Baydhabo oo ay ka maqan yihiin ra'isulwasaare Geedi iyo guddoomiye Shariif oo Nayroobi ku sugan ayaa waxaa xalay laga sameeyay barnaamij ay dowladdu ugu talo gashay xuska maalintan taariikhiga ah ee 26ka June. Sameecado waaweyn ayaa waxa ay ka lusheen goobo loogu talo galay xuska maalintan, kuwaas oo ay ka soo baxayeen heeso ku aaddan maalintan sida Goormaan Liibaannay?, 60kii Luggooyadii na deysayeey? 26kii Juun Goormaan Lulannay? 6dii saac Goormaan Ladnaannay? 1dii Luuliyo oo laba midowday Si kastaba ha ahaatee ma jiraan xus ka socda magaalooyinka Jowhar, Muqdisho iyo Kismaayo, kuwaas oo aad dareemaysid in maalintan aanba laga qiimeynaynin gaar ahaan magaalooyinka ay ka taliyaan maxkamadaha islaamiga ah. Somaliya ayaa kala qoqoban, somaliland waxa ay ku dhawaaqatay maamul u gaar ah iyadoo sheegtay inay ka go'day Somaliya inteeda kale, Puntland iyaduna maamul goboleed u gaar ah ayey ku dhawaaqday in kasta oo aanay go'in. Dhulka ay maxkamaduhu ka taliyaanna waxa aad mooddaa in nidaamka ka jiraa uusan soo dhoweynaynin xusid maalin taariikhdan oo kale leh. Baydhabo waa laga xusi karaa oo waa meel ay dowladda federaalka ee daciifka ahi ka shaqeyso. Waxaa adag in dib loo helo 18kii gobol ee Soomaaliya oo ay maalintani u tahay mid xusid gaar ah u mudan. Radio Gedo |
Barnaamijkii Daltabyo Riix Halkaan
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
Copyright Radiogedo.com
All Rights Reserved,2004
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||