![]() |
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| BOGGA HORE | FAALLOOYINKA | WAREYSIYADA | WARARKII HORE| SUUGAAN | DIINTA | CONTACT US | |||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
LINKS Balanballe |
Jinni Boqor oo dowladda Itoobiya ku eedeeyay inay carqalateynayso nabadda Soomaaliya Baydhabo 29 June 06 (RadioGedo) Xildhibaan Cabdi Cabdulle Saciid Jini Boqor oo ah mudane ka soo jeeda gobolada Puntland ayaa ku tilmaamay kacdoonka dadweynaha iyo maxkamadaha ee qabsaday Caasimadda Somalia iyo gobolada ku dhow dhow in ay tahay rajada kaliya ee lagu gaari karo dowlad ka dhalata Somalia. Xildhibaan Cabdi Cabdulle Saciid Jino Boqor oo u waramayay warbaahinta Muqdisho, isagoo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa waxa uu sheegay in ay muhim tahay in la taageero kacdonka dadweynaha oo uu saheegay in ay qabteen shaqo weyn oo adag.
Jini Boqor oo ka mid ah Mudanayaasha sida weyn u diidan ciidamo shisheeye oo la keeno dalka Somalia ayaa ku tilmaamay dowladda Ethiopia in ay caqabad ku tahay nabadda Somalia, isagoo sheegay in ciidamo kuweedaa ay ku soo xadgudbeen dalka Somalia. Waxa uu sheegay in dalka Somalia ay iminka maamusho dowladda Ethiopia ah oo ah cadowga horumarka umadda Soomaaliyeed. Markasta oo la isku soo dhawaado, Ethiopia waxa ay isku daydaa in ay kala dhantaasho ayuu hadaladiisa sii raaciyay Jini Boqor oo u muuqda in uu yahay nin wali ku taagan mowqifkiisii ahaa in dalka aan la keenin ciidamo ay ku jirto dowladda Ethiopia. Baarlamanka Somalia ayaa dhowaan ansixiyay in dalka Somalia la keeno ciidamo aan kala sooc laheyn si ay uga qeyb qaataa nabad ku soo dabaalida dalka Somalia, iyadoo arinkaasi ay si weyn uga soo horjeesteen Midowga Maxaakiimta islaamiga Soomaaliyeed oo dhowaan xoog kula wareeay gacan ku heynta caasimadda iyo gobolo ku dhow dhow www.radiogedo.com |
Barnaamijkii Daltabyo Riix Halkaan
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
Copyright Radiogedo.com
All Rights Reserved,2004
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||